Sunday, August 4, 2013

ZAKAATUL FITRI


mahad oo dhan eebe aayay usugnaatay  naxariis iyo nabadgelyahan  korkiisa ha ahaato suubanaheena muxamed SCW.
waxaan halkan idiin kusoogudbiya

Zakada Afurka: waa zako ay waajibto marka soonka Ramadaan la furayo, waxayna waajib ku tahay qof kasta oo Muslim ah lab ama dheddig, xur ama addoon, qof yar ama qof weyn .
Ibnu Cumar, wuxuu yiri { Rasuulka (scw) wuxuu waajib ka dhigay zakada afurka Ramadaan, suus(1) Timir ama suus Qamadi ah, waxayna waajib ku tahay addoonka, xurka, laba ama dheddig, qof yar iyo qof weyn oo Muslimiinta ka mid ah} Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyey.
       
      
                               
                   XUKUNKA ZAKA AFURKA    & XIKMADDA LAGALEEYAHAY :-

Xukunkeeda: waxaa Zakada afurka la jideeyey bil Shacbaan sandkii 2aad ee Hijrada, si ay u daahirso(2) qofka sooman ayadoo ay dhici karto iney ka dhaceen ficillo ama hadallo aan faa’iido lahayn ama hadallo xun iyo iney kaalmo u noqoto faqiirrada iyo masaakiinta, si ay uga deeqtoomaan dulliga iyo baryada dharaarta ciidda . Ibnu Cabbaas (Ehrn) wuxuu yiri Rasuulka (scw) “wuxuu waajibiyey (3).
Zakada afurka si qofka soomani ay uga daahiriso falka iyo hadallada aan faa’iidda lahayn ama hadallada xun si ay cunno ugu noqoto masaakiinta, waa inuu bixiyaa salaadda ciidda ka hor, waana zako la aqbalay, qofkii salaadda ka dib bixiyaa waa saddaqo ka mid aha sadaqooyinka”
                                         YEY KU WAAJIBTAA:-
Waxay ku waajibtaa qof kastoo Muslim ah oo xur ah(4) ee haysta qaddar suus oo cunno ah oo ka siyaado ah cunnadiisa iyo tan carruutiisa habeen iyo dharaar. Waxay waajib ku tahay nafsaddiisa iyo inta uu mas’uulka uu ka yahay sida: xaaskiisa, carruurtiisa iyo gacan yarayaashiisa inuu ka bixiyo Zakada Afurka.
                              QIYAASTA LAGARABO QOF WALBA   EE   ZAKADA AFURKA
Waxaa waajib ah Zakada Afurka in la bixiyo suus ama 5 rodol iyo dalool oo ah Gallley ama Qamadi ama Bariis ama Timir ama Zabiib ama Garoor (Caano Fadhi) ama wax kasta oo cunno ahaan loo isticmaalo sidan waxaa qaba Imaam Maalik, Imaamu Shaafici iyo Imaam Axmed. Abuu Xanifa wuxuu sheegay iney bannaan tahay bixinta qiimaha cunnada oo lacag ah. Waxaase habboon in la raaco 3da Imaam ee hore waxay isku wafaqeen(Tarjumaha).

                                        GOORMEY WAAJIB TAHAY INLABIXIYO :-
Culimada Fuqahada waxay isku raaceen iney waajibto dabyaaqada bisha Ramadaan, waxayse isku khilaafeen iney waqti go’an u xiddidaan, Imaamu Shaafici wuxuu yiri :- “waxay wajib tahay markuu gabalku dhaco habeenka ay ciidda soo galeyso maxaa yeelay waa wakhtiga soonka la furayo”

  Wakhtigaay waajib tahay, waana in la dedejiyaa bixinteeda
Jamhuurta Fuqahada waxay yiraahdeen : waxaan bannaan in la de-dejiyo maalin ama laba maalin ka hor maalinka ciidda. Ibnu Cumar wuxuu yiri:”Rasuulka (SCW) wuxuu na faray inaan Zakada Afurka bixino inteyan dadku aadin salaadda ciiddda”. Imaamu Shaafici wuxuu yiri “ waxaa bannaan in la bixiyo billowga bisha Ramadaan” (5).Imaamyadu waxay isku raaceen hadduu qofka ka dib dhaco bixita Zakada Afurka xilliga ay waajibka tahay iney deyn ku tahay ilaa uu ka bixiyo.
       
                                  CIDDA LA SIINAYO Zakada Afurka
Zakada Afurka waxaa la siinayaa 8da nooc ee dadka ka mid ah oo Sarreeye Eebbe uu ku sheegay Kitaabkiisa {Sadaqooyinka waxaa qura ee la siinayaa: faqiirrada, Masaakiinta, kuwa zakada soo ururiya, kuwa qalbigooda la soo dhaweynayo, kuwa la xureynaayo kuwa (xaqa) deymoobay , waddada Eebbe iyo socdaalka ( Musaafurka) waana wax Eebbe uu waajib ka dhigay, Illaheeyna waa oge falsan} (6) Suurat Attobba

                   
                                     5QOLO MA BANNAANA IN LA SIIYO

1.Qofka hodanka ah. 2. Adoonka la yeeyahay. 3.Gaalka.
4.Cidda uu mas’uulka yahay qofka Zakada bixinaaya.
5.Reer Binii Haashim Iyo Reer Banuu Mudalib.


mahdsanadiin

No comments:

Post a Comment